Guddiga madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa ku dhawaaqay inuu qaban doono doorashada buuxinta kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya oo deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Doorashada Kuraasta ka bannaan Golaha Shacabka ayaa lagu qabanayaa magaalada Baydhabo, iyadoo Guddigu ku wargeliyay musharaxiinta u tartameyso labada Kursi in qabashada araajiyada iyo diiwaan gelinta ay bilaabaneyso 14-ka bishan April waxayna ku egtahay 21-April ee sanadka 2019-ka.
Labadan kursi ayaa waxaa baneeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo Marxuum Xildhibaan Axmed Mayow Cabdulle (Kornel Ruush). Guddiga Doorashooyinka ayaa ku wargeliyay musharaxiintii hore isugu diiwaan-gelisay Kursigii uu baneeyay Xildhibaan hore Xuseen Cismaan Xuseen in la qabanayo doorashada Kursigaasi.