Guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa laalay 11 kursi oo ka mida kuraastii Aqalka hoose ee Baarlamaanka ee la soo doortay.
Qoraal ka soo baxay Guddiga uu madaxda u yahay C/risaaq Barre Jaamac ayaa lagu sheegaya in kursigii uu ku soo baxay Axmed Maxamed (Abtidoon yare) la laalay, iyadoo kursigaasi dib loogu tartami doono isla markaan ay haween qura ku loolami doonaan.
Guddigan ayaa kiisas fara badan oo dacwado ka yaaleen soo koobay, waxaana ilaa hadda ay si rasmi ah u baabi’iyeen natiijadii 11 kursi oo ka mida.Goobjoogec.om