Wednesday, June 25, 2025

Kuuriyada Waqooyi: “Hanjabaadda Donald Trump waa sida Eey qeyliyay oo kale…”

Dublamaasi u dhashay Kuuriyada Waqooyi ayaa ku tilmaamay khudbaddii uu madaxwayne Trump ka jeediyay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey in uu ahaa “sidii Eey qeylinaya oo kale “.

Madaxwayne Trump oo ka hadlayay kulanka golaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa waxa uu sheegay in”gabi ahaan ba uu burburin doono Kuuriyada wuqooyi haddii ay khatar galiso Mareykanka iyo saaxibadii.

Hadalka ka soo yeeray wasiirka arrimaha dibadda Ri Yong-ho waa jawaabtii ugu horeysay ee ay ka bixiyaan khudbaddii Trump. Kuuriyada waqooyi ayaa wali sii wada balaarinta barnaamijka hubkeeda Niyukleerka ,waxa ayna ku gacan seyrtay mamnuucidii ay ku soo rogtay Qaramada midoobay.

Mr Ri oo weriyayaasha kula hadlayay magaalada New York ayaa yiri “xitaa marka uu Eyga qeylninayo  gaardiska wuu sii soconayaa’.” “Haddii Trump uu u maleynayo in uu nooga yaabin karo codka sida Eey ciyay markaas wuu riyoonayaa .”ayuu yiri Mr Ri.

Mar uu ka hadlayay madaxwyne trump hogaamiyaha Kuuriyada wuqooyi ayuu ku tilmaamay nin gantaal sita oo ku jira howlgal ismiidaamin ah.

Mar la waydiiyay wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi sida uu arko hadalka Trump ayaa waxa uu ku jawaabay “, Mr Ri “waxaan u naxsanahay kaaliyayaashiisa.

Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu wadaa in khudbad uu u jeediyo golaha guud ee qaramada midoobe jimcaha barito ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON