Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in ay qorsheyneyso weerar gantaalo ah oo ay ku qaado jasiirada Guam oo Maraykankan ka tirsan.
Warkan ayaa laga baahiyay warbaahinta rasmiga ah ee dowlada Kuuriyada wuqooyi oo soo xiganeysa Bayaan ay soo saareen militariga dalkaasi.
Hanjabaadan Kuuriyada wuqooyi ayaa ku soo beegmaysa saacado uun ka dib markii madaxweyne Donald Trump uu si caro leh ugu hanjabay Kuuriyada wuqooyi oo uu sheegay in ay la kulmi doonto Dab iyo holac aan weligii mid la mid ah caalamka lagu arag.
Wakaalada wararka ee Kuuriyada waqooyi ayaa sheegtay in dowlada Kuuriyada waqooyi ay ka baaraan degayso in ay Gantaalada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer ay ku ganto Guam oo jasiirad saldhig u ah ciidamada cirka Maraykanka ee ugu dhow dhinaca Kuuriya Waqooyi.
Hadalladan ay iswaydarsadeen labada dal ayaa ah mid sii cirka ku sii shareeraysa xiisada u dhaxaysa.
Golaha ammaanka ayaa dhowaan sii kordhiyay cunaqabataynta dhaqaale ee Kuuriyada waqooyi. waxayna cunaqabatyntasi ku tilmaamtay mid jabinaysa madax banaanideeda.