Monday, June 23, 2025

La-taliyaha Madaxweynaha Somalia oo faahfaahin ka bixiyay xiriirka u dhaxeeya Alsahbaab Boko Xaram

La-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee dhinaca amniga iyo Gaashaandhigga ninka lagu magacaabo Gen. C/raxmaan Sheekh Ciise Maxamed ayaa sheegay in dagaalyahanada Kooxda Boko Xaram oo ka dagaalama Galbeedka Afrika, siiba dalka Nayjeeriya ay tababar ka helaan kooxda Alshabaab iyagoo yimaada dalka Soomalaaya.

La-taliyahan oo aan saxaafadda lagu aqoon ayaa Telefishanka CNN ee dalka Mareykanka wareysi uu siiyay ku sheegay in dagaalyahanada Boko Xaram ay Alshabaab  bareen sida la isu qarxiyo ee is-miidaaminta loo sameeyo iyos sameynta bambooyinka, iyagoo tababarkaasina ku qaatay xerooyinka Alshabaab  ee dalka Soomaaliya.

La-taliyaha ammaanka Qaranka ee madaxweynaha Somalia ayaa sheegay xilliyada Boko Xaram lagu tababaray ay u dhaxeysay sanadihii 2010 iala 2012. Wuxuu intaas ku daray in Alshabaab iyo Boko Xaram ay weli leeyihiin xiriir ay ku wadaagaan tabaha dagaalka xirfadda howlgallada milateri.

Ad

Wararka sirdoon ee arrintan ku saabsan ayuu sheegay la-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya inay la wadaageen dalalka beesha caalamka ee Soomaaliya saaxiibada la ah, ayna ka mid ahayd khudbadi uu madaxweynaha Somaliya  dhowan ka jeediyay shirkii ammaanka ee magaalada Munich dalka Jarmalka.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON