La-taliyihii dhinaca ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa is casilay, kadib markii uu soo shaac baxay xiriir sharci darro ah oo uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee Maraykanka.
Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay “Inuu qiimaynayo” xiriirkii uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad.
Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo bartanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha iyadoo ay sharci darro tahay in qof caadi ah arrimahaas faraha la galo.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fariistay.
Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saraan.
Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.
Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan dublamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhamaadkii sanadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.
Goobjooge.com