Thursday, June 26, 2025

La-taliyihii Guddoomiye Jawaari oo loo magacaabay xiriiriyaha Dooda Musharixiinta Madaxweynaha [Sidee ku dhacay.?]

Guddoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa la-taliyihiisa u magacaabay inuu noqdo xiriiriyaha Dooda musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa timid kadib markii si weyn la isugu khilaafay arrimaha kala ah:

  1. Cidda hogaamineysa Doodda
  2. Halka lagu qabanayo
  3. Warbaahinta laga sii deynayo

Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha marka laga reebo Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cumar C/rashiid ayaa dacwad ka keenay qaabka doorashada iyo cidda qabaneysa iyagoo diiday inuu dooda musharaxiiinta xiriiriye ka noqdo weriyaha caanka ah C/raxmaan Yuusuf Al-cadaalka oo hadda aha agaasimaha SONNA.

Dhowr saxafi oo lasoo bandhigay ayaa la isku maandhaafay, waxaana markii danbe ay si hoose ugu soo jeediyeen musharixiinta inuu magacaabo Prof. Qaadi oo ahaa la-taliyihiisa, dhowaanna ku guuldareysay inuu xildhibaan noqdo markii uu u tartamay kursi ka mida kuwa Gobollada Waqooyi.

Guddoomiye Jawaari ayaa la sheegay inuu nugul yahay isla markaana aqlabay cadaadis badan oo ay saareen musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON