Sunday, July 13, 2025

La-taliyihii hore ee Madaxweyne Farmaajo oo sheegay inay korortay Awoodda Alshabaab ee Muqdisho, balse…

La-taliyihii dhinaca Amniga ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macalim Maxamuud ayaa sheegay in Alshabaab ay ku xoogeysteen magaalada Muqdisho, taasoo ay muujineyso inay sidii dowlad lacago badan oo canshuur ah uga qaadaan ganacsatada caasimadda Muqdisho.

Xuseen Macalim oo ahaa la-taliyihii ugu horeeyay ee dhinaca amniga Qaranka kala taliya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo ayaa ku dooday inay Al-Shabaab ku xoogeysteen Muqdisho iyo gobalada dalka Soomaaliya, marka la eego inay u shaqeynayaan qaab Dowli oo ay dadka lacag uga qaadaan, wuxuuna dowladda Federalka ugu baaqay inay dowladdu la timaado qorshe loo hortegayo lacagah badan ee Alshabaab canshuur ahaanta u qaadaan.

Iasgoo hadda ah madaxa xarunta Hiraal Institute ayuu qiray inay hoos u dhaceen weeraradii Al-Shabaab ay ka geysan jireen Magaalada Muqdisho, wuxuuna wareysi uu siiyey idaacad ka mid kuwa magaalada Muqdisho ku sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay qorshe dhaqaale ahaan lagula dagaalamayo Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON