Wednesday, June 25, 2025

La-taliyihii Madaxweyne Donald Trump ee xilka laga qaaday oo Eedo cusub lagu helay

La-taliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn ayaa eedo cusub lagu helay kadib lacago uu ka qaatay dalalka Turkiga iyo Ruushka.Qoraal cusub oo la soo bandhigay ayaa lagu sheegay in lataliyihii hore ee amniga qaranka Maraykanka Micheal Flynn inuu lacago ka badan $500,000 ka qaatay dalka Turkiga, halka uu Ruushkana ka helay tobannaan kun oo dollar, ka dib xilligii uu shaqada ka fadhiistay, sannadkii 2014, xilligaas oo looga digay inaanu wax lacago ah ka qaadanin dawladaha debedda.

Xubinta ugu sarreeya xisbiga Dimoqraadiga ee ku jira Guddida Korjoogtaynta ee Aqalka Wakiillada Maraykanka, Elijah Cummings, ayaa sheegay inaanay haynin wax caddayn ah oo muujinaya in Micheal Flynn uu ogolaansho ka helay xoghayaha difaaca iyo xoghayaha arrimaha debedda, xilligii uu lacagaha ka qaadanayey dawladaha debedda, sida sharcigu dhigayo.

Mid ka mida qoraallada la soo bandhigay ayaa muujinaya in Hanti-dhawraha guud ee Wasaaradda Difaacu uu bilaabay baadhistiisa gaarka ah oo ku saabsan in Flynn uu qaatay ogolaansho iyo inkale, xilligii uu helayey lacagaas ka imanaya dawladaha debedda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON