Friday, June 27, 2025

Laba Nin oo wallaalo ahaa oo toogasho lagu dilay Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay toogasho ku dishay laba nin oo walaallo ahaa.

Dilka ayaa xalay ka dhacay geysatay inta u dhaxeysa Ex-koontorool Afgooye iyo Xaafada Xoosh ee Degmada Dharkeenleyee gobolka Banaadir, waxaana dadka degaanka ay sheegeen labada wiil ee walaallaha ahaa uu midkood ahaa askari ka tirsanm ciidamda dowladda.

Magacyada wiilasha ayaa lagu kala sheegay Saney Faarax iyo Xuseen Faarax, waxaana weerar ku soo qaaday koox hubeysan xilli ay ku sii jeedeen gurigooda, iyadoo lagu dilay meel u dhow.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa gaaray halkii uu dilka ka dhacay, laakiin ma jirin cid loo qabtay, waxayna goobta ka qaadeen meydka labada Wiil.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON