Madaxweynihii hore ee dowladii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaanka dowladaasi Shariif Sheekh Axmed ayaa mar kale si xoog leh uga soo muuqday siyaasadda Soomaaliya, iyagoo markan hoggaaminaya Madal mucaarad ah.
Dowladii loo yiqiin laba Shariif ee Soomaaliya soo martay sanadihii 2009 – 2012 ayaa ku caan baxday dowlad ay laba mas’uul iska maamushaan, waxaana labadoodaba ay xilalka ku yimaadeen, iyagoo kala hoggaaminaya Maxkamadihii islaamiga ahaa iyo Baarlamaankii xorta ahaa ee fadhigoodu ahaa Asmara, Eritrea.
Labada Shariif ayaa hadda guddoomiye iyo guddoomiye ku xigeen ka noqdeen Madasha Xisbiyadda Qaran oo maanta looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, waxaana madashan loo dhisay sidii tartan adag ula geli lahayd madaxda dowladda Soomaaliya oo laga cabsi qabo inay doorasho aan loo dhammeyn ka qabtaan dalka.
Shariif Xasan oo dowladda hadda jirta ay dagaal siyaasadeed uga guuleysatay, kana reebtay tartankii doorashada maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya ayaa hadda siyaasadda ku soo laabtay, isagoo hoggaaminaya xisbi la baxay horusocod, halka uu Sheekh Shariif hoggaamiyo xisbiga Himilo Qaran, waxayna labada Shariif dowladoodu ahayd mid aan sumcad badan lahayn, siiba Shariif Xasan oo lagu tilmaami jiray inay awoodda gacanta ugu jirtay.
Madasha cusub ee Xisbiyada Qaran oo ay ku jiraan xisbiyo fara badan ayaa waxaa guddoomiye ka ah Shariif Sheekh Axmed, halka ay guddoomiye ku xigeeno u yihiin Prof. Maxamed Cabdi Gaandi iyo Shariif Sheekh Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana awoodda lagu qeybiyey 4.5