Monday, June 23, 2025

Laba Wasiir oo maanta hortegaya Baarlamaanka Federaalka, kadib Mooshino ay xildhibaanno ka gudbiyeen

Laba ka mida Wasiirada xukuumadda Soomaliya ayaa maanta hortegaya xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib mooshino Gole joojin ah oo ay ka gudbiyeen qaar ka mida xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wasiirada Gargaarka & Maareynta musiibooyinka Xamza Siciid Xamza iyo Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa loogu yeerya inay maanta hortagaan kulanka Baarlamaanka Federaalka, iyadoo su’aalo dhowr ah laga weydiin doona shaqada wasaaradahaasi.

Wasiirka Gargaarka xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa sugaya su’aalo adag oo ku saabsan deeqaha laga helay caalamka ee aan la gaarsiin degaanada ay saameysay fatahaadda sida Afgooye iyo Balcad oo Muqdisho ku dhow.

Wasiiradda Cafimaadka ayaa sidoo kale wajaheysa su’aalo ku saabsan xaalada Caafimaad ee dalka iyo xaaladda Isbitaalada ay Wasaaradda Caafimadka la wareegtay Iiyo maamul xumo la sheegay inay ka jirto Wasaaradda dhexdeeda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON