Shirkadda diyaaradaha Jabuuti ayaa duulimaadyo toos ah ka bilowday magaalada Gaowe ee maamulka Puntland, iyadoo si toos ah isaga gooshi doonta Garowe iyo Jabuuti.
Xaflad lagu maamuusayey furitaanka duulimaadyada cusub ee Shirkadda Djibouti Airlines ayaa maanta lagu qabtay Garoonka diyaaraaha magaalada Garowe, iyadoo uu ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaash oo ay wehliyeen wasiiro iyo saraakiil ka tirsan maamulkaasi.
Shirkadda Jibouti Airlines ayaa magaalada Garowe ka bilowday duulimaa toos ah oo isbiicii laba jeer a ku tego doonto Garowe-Djibouti. Hore waxaa magaalada Garowe duulimaad uga bilowday shirkadda diyaaradaha Itoobiya ee Ethiopian Airlines oo laab maalmood toddobaadkii ka degta garoonka Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe.
