Monday, July 14, 2025

Labo ka mid ah Shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Shaqada looga eryay Kiis ku saabsan Taabit [Akhriso]

Labo ka mid ah shaqaalaha Xafiiska Ra’iisal Wasaare Xasan Khayre ayaa sabab layaab ah looga eryay shaqada.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii ay barahoodooda Facebook saarteen Sawirka Guddoomiyihii Gobolka banaadir ee xilka laga qaaday Taabit Cabdi Maxamed, iyagoo taageero weyn u muujiyay

Shaqaalaha laga eryay xafiiska Khayre ayaa ahaa rag iyo dumar, waxaa lagu kala magacaabayay Nafisa Cali Abiikar oo la dhalatay Kuxigeenkii Xeer Ilaaliyaha Guud Axmed Cali Abiikar ee dhowaan xilka laga qaaday iyo nin magaciisa lagu soo gaabiyay Maxamed.

Labada Shaqaale ayaa markii saakay ay tageen xafiiska lagu wargeliyay in shaqada laga joojiyey oo aanay mar dambe soo xaadiri karin shaqada. Arrintan ayaa noqotay mid layaab ah leh sifaha shaqada looga ceyriyay labadan ruux ee ka shaqeynayay Xafiiska Khayre.

Nafisa Cali Abiikar ayaa u sheegtay warbaahinta in sababta shaqada looga eryay ay tuhunsan tahay inay tahay sawirka ay Facebook saaratay ee Taabit iyo inay ku tilmaamtay halyay sidii Erdogan oo kale.

Waxaa ay sheegtay inuu xafiiska ka eryay wiil uu Adeer u yahay Ra’iisal Wasaare Kheyre oo lagu magacaabo Ayuub, kaasoo ah Madaxa Ilaalada Ra’iisul Wasaaraha. Mar la weydiiyay inay xilliga ay ku soo biirtay Xafiiska RW iyo inay aheyd shaqaale rasmi ah oo ka diiwaan gashan Guddiga Shaqaalaha Rayidka ayay sheegtay in Madaxtooyada ay ku soo biirtay xilligii doorashada, kaddibna ay Xafiiska Kheyre u wareegtay markii xilka loo magacaabay, sidaasna ay muddo 10 bilood xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dhanka Protocolka ka shaqeyneysay.

Sidoo kale waxaa ay sheegtay in sanadkan ay u socotay howl ah inay noqoto shaqaalaha sida rasmiga uga diiwaan gashan Guddiga shaqaalaha, isla markaana mudadii ay xafiiska joogtay ay qaadaneysay Gunno lacageed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON