Sunday, July 6, 2025

Lacagta diiwaangelinta Musharixiinta labada aqal ee Baarlamaanka oo la shaaciyay

Madaxda Madasha Qaran ee dalka ayaa isla meel dhigay lacagta laga rabo musharixiinta u tartameysa xilalka labada aqal

ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo aana hore wax lacag ah looga qaadi jirin musharaxiinta.

Aqalka Sare xildhibaanada u tartamaya ayaa mid kasta laga rabaa inuu bixiyo lacag dhan $10,000, halka Musharaxa xildhibaanka Aqalka hoose laga doonayo lacag diiwaangelin ah oo gaareysa $5,000.

Dhaqaalaha kasoo xaroon doona musharaxiinta xilalkan ayaa noqon doonta mid fara badan, haddii kaliya la qorsheeyo in Aqalka sare iyo Kan hoose ee Baarlamaanadan  kursi waliba isu sharxaan 3 mudane, waxay lacagta guud noqon doontaa:

Lacagta Aqalka Sare        56 x 3 x 10,000  = 1,680,000

Lacagta Aqalka Hoose    275 x 3 x 5,000 =  4,125,000

Labada Aqal marka la isku daro dhaqaalaha ka soo ururaya waxay gaareysaa $5,805,000. Waana lacag ku dhow lix milyan oo doolar.

Waxaa harsan lacagta diiwaangelinta musharaxiinta jagada Madaxweynaha oo lagu wado in markan ay noqdaan kuwa ugu tirada badan.

Lama oga cidda dhaqaalahan maamuli doonta, waxaana hor u dhacday in dhaqaale laga qaaday musharixiinta  jagada madaxweynaha la sheegay in loo adeegsaday xafladii doorashada iyo caleemo saarka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON