Friday, June 27, 2025

Lacagtii ku socotay Safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho oo la fasaxay & Cadadka lacagta la qabtay [Sawirro]

Dood ka dhalatay baaritaanka diyaarad u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho oo siday lacag ka badan 13 milyan oo doolar ayaa keentay in muddo saacado ah lagu xayiro Garoonka Muqdisho.

Diyaaradan oo ahayd mid gaara waxaa la socday ciidamo Imaaraad ah oo ka badan 30 askari, waxayna diideen xubnihii la socday in la baaro, iyadoo ay Garoonka ku sugayeen Gawaari iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Imaaradka oo adkeystay in agabka u socda safaaradda aan la baari karin.

Saraakiil ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda iyo xukuumada Soomaaliya oo arrinta soo dhex galay markii danbe ayay safaaradda Imaaraadka u sheegtay in lacagtu ku socoto safaaradooda Muqdisho iyo ciidamada Imaaraadku taageero ee Puntland.

Lacagta iyo agab kale oo Safaaradu lahayd ayaa markii dambe loo fasaxay oo la geeyay xarunta NISA ee magaalada Muqidsho, halkaasoo lagu baarayo halka ay ku socoto, iyadoo  ay qaadeen saraakiisha NISA.

No automatic alt text available.

No automatic alt text available.

Image may contain: car and outdoor

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON