Saturday, April 20, 2024

Libaax ka baxsaday Xero lagu hayo oo Dad ku dhaawacay Magaalada Jabuuti (Sawirro)

Libaax ka baxsaday degaanka Degmada Duuda oo 20 KM u jirta caasimadda dalka Jabuuti ayaa waxyeelo u geystay dad ku sugnaa caasimadda dalka Jabuuti.

Waxaa la sheegay in laba maalmood ka hor uu Libaaxa ka baxsaday goob lagu xannaaneeyo duur joogta oo ku taalla dalka Jabuuti. Madaxa caafimaadka degmada Duuda ayaa sheegay in libaaxa uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Ad

Xildhibaan kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka uu weeraray Libaaxa ayna askarta dileen libaaxa oo ahaa mid dhedig (Gool).

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatada ay gaystaaan xayaawannada duurjoogta ee ka baxsado seerayaasha dalkaasi. Saraakiisha duur joogta ayaa amar ku bixiyay in la dilo goosha.

Waxaana socda baaritannada ku aadan goosha sida ay ugu suuro gashay inay baxsato iyo waxyaabaha sababay dhibtaada intaasi le’eg ay gaarsiiso bulshada ku dhaqan degmadaasi.

- Advertisement -

Ma ahan markii ugu horreysay uu Libaax dhibaato u gaysto dad shacab ah dalka Jabuuti.

Image may contain: one or more people, people standing, outdoor and nature

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON