Thursday, June 8, 2023

Liiska Dalalka Maanta laga laga Ciiday iyo Dalalka ay Sabtida u bilaabaneyso Ciidul Fitriga

Dalal badan oo Muslim ah ayaa maanta u dabaal degay maalintii koowaad ee Ciidul Fitriga, kadib markii shalay looga dhawaaqay in la arkay Bishii Shawaal, waxayna Ciida kusoo beegantay maalin Jimce ah.

Dalalka Maanta laga ciiday waxaa ugu horeyay Sacuudiga oo maxkamadda sare ee dalkaasi ay ku dhawaaqday in maalinta Jimcaha ee maanta ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga ee sanadkan 1444-ta Hijriyada.

Yemen, Imaaraadka, Bahrain, Kuwait, Masar, Jordan, Syria, Algeria, Tunisia, Sudan, Suniyiinta Ciraaq iyo Lubnaa iyo Turkey ayaa sidoo kale ku dhawaaqay oo ay maanta u ahyad maalinta koowaad ee Ciidul Fitriga.

Ad

Dhinaca kale, wadamo kale ayaa shaaciyey xalay inaysan arkin bisha Soonfur, ayna Ciid u tahay Sabtida Berri, waxaana dalalkaasi ka mida Dalka Cumaan oo sheegay in Sabtida ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga, Jimcahana ay tahay dhammaystirka bisha Ramadaan.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Ali Khamenei iyo wadaadka Shiicada ah ee Ciraaq, Ali al-Sistani, ayaa iyaguna shaaciyey in la arki waayey Bishii Shawaal fiidnimadii Jimcaha, Sabtidana ay noqon doonto maalinta Ciidul Fidriga.

Dalalka kale ee Sabtida Berri ay u bilaabaneysi Ciidul Fitriga waxaa ka mida: Morocco, Malaysia iyo Indonesia, ayaa iyaguna ku dhawaaqay in Sabtida ay tahay maalinta koowaad ee Ciidul Fidriga.

- Advertisement -

Bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maanta oo Khamiis ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 23-ka March ka bilaabatay 27 wadan oo Carab ah iyo kuwa Islaamka.

Dalalka Jimcaha laga Ciiday

1. Jordan
2. Imaaraadka
3. Algeria
4. Suudaan
5 . Soomaaliya
6 . Ciraaq
7. Kuwait
8. Boqortooyada Sacuudiga

9. Niger

- Advertisement -

10 . Yemen

11. Turkiga

12 . Tunisia

13. Cote d’Ivoire
14. Syria
15. Falastiin

16. Qatar
17. Lubnaan
18. Dhaqaale
19. Masar
20 . Mauritania
21 . Nigeria

Dalalka Sabtida (22 April 2023) Laga Ciidayo

1. Senegal
2. Morocco
3. Hindiya (?)
4. Indonesia
5. Iran
6. Pakistan
7. Brunei
8. Bangladesh (la filayo)
9. Tanzania

10. Cumaan
11 . Liibiya

12. Malaysia

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,966FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!