Howlgal Milateri oo Duqeyn ah ayaa ka dhacay Gobolka Sh/Hoose, iyadoo lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyo.
Qoraal ay soo saartay Hay’adda NISA ayey ku sheegtay inay Saaxiibada Caalamiga ah la fuliyeen howlgalka oo ka dhacay inta u dhaxaysa degaannada Ugunji iyo Mubaarak ee gobalka Shabeellaha Hoose.
“Waxaa lagu dilay in ka badan 20 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad waxaana sidoo kale lagu dhaawacay tiro intaas ka badan”.” ayaa lagu yiri Qoraalka Hay’adda NISA oo warbaahinta dowlada ay baahisay.
Howlgalka aya adhaca Habeenimadii Khamiista oo taariikhduna ahayd 20-ka Bisha, waxaana lagu beegsaday dhul ay isku abaabulayeen oo hawd ah, NISA ayaa sheegtay inay heshay helay xogtooda, kadibna iyag oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah laga hortegay dhagarta ay la damacsanaayeen shacabka Soomaaliyeed.
Ma jiro faahfaahin kale oo laga bixiyay howlgalka, lamana sheegin horjoogayaasha la sheegay in lagu dilay howlgalka oo Duqeny ahaa.
