Thursday, September 23, 2021

Liiska Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Afghanistan ee Daalibaan ku dhawaaqi doonto (Akhriso)

Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ayaa ku jira diyaargaroowgii ugu dambeeyay ee ku dhawaaqista Golaha Wasiirrada ee cusub xukuumadda ay ka dhisayaan oo la filayo inay dalka Afghanistan, iyadoo la sheegay inay ka mid noqon donaan dhammaan xubnooda hoggaaminta.

Madaxa ugu sarreeya Taalibaan Hibatullah Akhundzada la sheegay inuu hoggaamiyaha ugu sareeya maamulka noqonayo, balse aanu maamulka shaqo ku yeelan doonin, halka uu xukuumadda hoggaamin doono Madaxa Siyaasadda ee Daalibaan C/qani Baradar.

Waxaa magaalada Qandahar ee xarunta Xarakada ka socda wadatashiyo ay leeyihiin madaxda Sare ee kooxda Daalibaan oo oo hoggaaminayo Amiirkood, ayna qeyb ka yihiinku-xigeennadiisa Sirajuddin Xaqqani, oo ah madaxa shabakadda Haqqani, iyo Mullah Mohammad Yacquub oo ah wiilka uu dhalay aasaasihii Taalibaan Mullah Maxamed Cumar, ahna madaxa Guddiga militariga Taalibaan.

Ad

“Hoggaanka Taalibaan wuxuu hadda kala tashanayaa qowmiyado kala duwan, xisbiyo siyaasadeed iyo gudaha Imaarada Islaamiga sidii loo dhisi lahaa dowlad ay tahay in laga aqbalo, lagana aqoonsado gudaha iyo dibedda Afghanistan” ayuu Sher Mohammad Abbas Stanikzai, oo ah hoggaamiye kale oo Taliban ah ku yiri khudbad telefishanka laga sii daayay Sabtidii.

Liiska xubnaha hoggaamiya Taalibaan, oo la filayo in lagu daro Golaha Wasiirrada cusub ee Afghanistan waxaa ka mid ah;

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee caasimadda Qatar ee Doha

Sheikh Abdul Hakeem, madaxa wada xaajoodka Taliban ee Doha

Sher Abbas Stanekzai, ku xigeenka kooxda wada xaajoodka ee Doha

Sadar Ibrahim, oo ahaa taliyihii hore ee guddiga militariga

Abdul Qayyum Zakir, taliyihii hore ee guddiga militariga

Mullah Fazil, wasiir ku xigeenkii hore ee gaashaandhigga

Abdul Manan Akhund, oo la dhashay aasaasaha Taalibaan Mullah Omar

Maulvi Noor Muhammad Saqib, madaxii hore ee cadaalada Taalibaan

Amir Khan Muttaqi, wasiirkii hore ee warfaafinta

Abdul Salam Xanafi, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taaliban ee Doha

Qari Deen Muhammad, oo xubin ka ah kooxda wadaxaajoodka Taliban ee Doha

Lateef Mansoor, oo xubin ka ah kooxda wadahadalka Taliban ee Doha

Sheekh Qaasim, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taliban ee Doha

Muhammad Zahid Ahmadzai, diblumaasi hore oo Taalibaan oo joogi jiray Pakistan

Maulvi Abdul Kabeer, guddoomiyihii hore ee gobolka Nangarhar

Sheikh Abdul Hakim Sharee, oo ah wadaad saamayn badan leh

Noorulah Noori, maxbuuskii hore ugu xirnaa jiray xabsiga Guantanamo Bay

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,857FollowersFollow
159,384FansLike
2,430FollowersFollow
5,858FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!