Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa magacacaabay xoghayaha joogtada xafiiskiisa Ra’isul Wasaaraha, la-taliyaal iyo xilal kale oo kooxda la shaqeyn doonto ah.
Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiskiisa ayuu u magacaabay Mudane Maxamed Abuukar Zubeyr oo hore u ahaa agaasimaha wasaaradda Garsoorka, kana soo jeeda Beesha Shanaad ee Jareerweyne,waana markii ugu horysay ee xilkan loo magacaabo qof kasoo jeeda beesh shanaad.
Sidoo kale Ra’isul Wasaare Xamse wuixuu yuu sidoo kale la-taliyaal ugu magacaabay xubnaha kala ah:
2- Cabdi Cali Awaare oo loo magacaabay lataliyaha arrimaha dib-uheshiisiinta, (Daarood/ Majeerteen)
3- Kamaal Guutaale oo loo magacaabay lataliyaha Amniga (Hawiye/H/Gidir)
4- Axmednur Maxamed Cabdi oo loo magacaabay la-taliyaha arrimaha siyaasadda (Daarood/Ogaadeen)
5- Hodan Cusmaan oo loo magacaabay la-taliyaha xariirka Caalamiga ( Daarod , Dhulbahante)
6- Afhayeenka xukuumadda iyo madaxa warfaafinta Farxaan Maxamed Jimcaale (Hawiye/Xawaadle)
7- Agaasimaha habmaamuuska loo magacaabay C/llaahi Shariif Cabdi (Daarood/Mareexaan)
8- Agaasimaha Maamulka & Maaliyada – Haashim Maxamed Ali – (Sheekhaal)
