Wednesday, June 25, 2025

TOOS ULA SOCO DOORASHADA MADAXWEYNAHA JUBBALAND – KISMAAYO-

Doorashada madaxweynaha Jubba oo maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo ayaa hadda si toos ah loo bilaabay, wxaana hoolka doorashadu ka dhaceyso ku ururay xildhibaanada iyo marti sharafta kala duwan ee doorashada ka qeyb galaya.

11:05 = Waxaa shirka furay guddoomiyaha Baarlamaanka Jubba oo soo dhoweyn iyo mahadcelin kadib ka hadlaya qaabka howsha doorashada u dhici doonto maanta.

11:10  = Sheekh Cabdi wuxuu sheegay in 74 xildhibaan ay ku sugan yihiin madasha doorashada, iyadoo uu ka maqan yahay hal xildhibaan oo xanuunsan.

11: 15  = Xildhibaanada Baarlamaanka Jubba ayaa isku diyaarinaya inay galaan wareega koowaad ee doorashada, waxaana loo sharxay qaabka doorashada iyo sida loo codeynayo.

Kismayodorasho

11:20   = Waxaa hadda bilaabtay codeynta madaxweynaha iyadoo xildhibaanada Baarlamaanka la yeerinayo, isla markaan ay codeynayaan.

11:30:  Xarunta Ceymiska ee doorashadu ka dhaceyso magaalada Kismaayo waxaa ku sugan xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Federaalka iyo xubno ka mida golaha wasiirada, waxaa kaloo jooga wakiilo ka socda beesha caalamka.

11:40  = Waxaa weli socda codeynta xildhibaanada Jubba oo qeybtii ugu danbeysay ay codkeeda dhiibaneyso… Waxaa lagu wadaa in wareega horeba lagu kala baxo oo aan loo baahan wareeg kale.

11:46 = Waxaa hadda soo idlaatay wareegii koowaad ee codeynta doorashada madaxweynaha Jubba, waxaaan guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay in la gelayo tirinta codka xildhibaanada iyadoo musharax kasta uu wakiil u dirsanayo guddiga doorashada oo tirinta bilaabaya.

11:50  = Tirintii codadka xildhibaanada Jubba ayaa bilaabtay, waxaana muuqata in Axmed Madoobe codad badan heli doono sidii la filayay, 10-kii cod ee ugu horeeyayba Axmed Madoobe ayaa qaatay….

Doorashada-jubba

11:55  = Weli waa socota tirinta codadka Baarlamaanka Jubba, ilaa iyo hadda codadka la tiriyay waxaa uun lagu dhawaaqayaa : AXMED MAXAMED ISLAAN, iyadoo aanu jirin musharax kale oo weli cod helay, waxaa la marayaa ku dhowaad 20 cod. Xaaladu waxa ay noqotay mid aan xiiso lahayn iyo kaliya hal magac oo la yeerinayo.

11: 56=  Waa sidii hore loo sheegay NIN DOORAN, MAXAA DOORTA LOO YIRI ayay taagan tahay lama hayo weli cod aan ahayn Axmed Madoobe.

11:57: Cusmaan iyo Hilowle ayaa min hal cod helay ilaa iminka.

11: 59: Hal cod ayaa lagu dhawaaqay inuu khaldamay, waxaana meesha marar dhacay buuq iyo guux

12:02: Cusmaan iyo Hilowle ayaa kala helay min hal cod oo kale, waxaana dhammaaday tirintii codadka

12:03 Waxaa muuqata 4 cod iyo cod khasaaray marka laga reebo in Axmed Madoobe ku guuleystay codad dhan 69 cod.

WAXAAN SUGNAA WAA TIRIN RASMI AH IYO KU DHAWAAQID GUUSHA AXMED MADOOBE: DOORANIHII LA DOORTAY

12: 22 = Guddoomiyaha Baarlamaanka jubba ayaa ku dhawaaqay inuu Axmed Islaam ku guuleystay jagada madaxweynaha Jubbaland.

Sidan ayaa codadka loo kala helay:

Axmed Maxamed Islaan (68 Cod)

Hilowle Aaden Maxamed  (2 Cod)

Cismaan Xuseen Xaaji Feyruus (2 Cod)

Maxamed Yuusuf Gaab (waxba mahelin)

BA COD OO KHASAARTAY

Dhammaad

Goobjooge.net

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON