Lix ka mida musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa khudbadahooda maanta ka hor jeediyay kulanka Baarlamaanka.
Waxaa kulanka furay sii-hayaha xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka C/weli Ibraahim Muudey, waxaana kadib lagu wareejiyey Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada Doorashada Xildhibaan Nuur Iidow Beyle oo sharaxay jadwalka Guddiga uu u diyaariyay hadal jeedinta musharaxiinta oo la maalin socon doonta.
Musharaxiinta maanta khudbadaha jeediyay waxaa kamid ahaa:
1: Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
2: Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe
3: Xildhibaan Idiris Cabdi Takhtar
4: Xildhibaan Cali Sheekh Maxamed Nuur
5: Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow
6: Xildhibaan C/casiis Lafta Gareen
Musharixiinta ayaa soo bandhigay taariikhdooda iyo waxqabadkooda, iyadoo xildhibaanada ka dalbaday inay codkooda siiyaan, waxaana ka muuqatay fadhiga baarlamaanka inuu ahaa mida aanay xildhibaano badan ku sugneyn.
Maalinta Berri ayaa lagu wadaa inay khudbadahooda jeediyaan musharaxiinta harsan oo gaaraya shan musharax oo uu ku jiro Wasiirka Gaashaandhigga.
HOOS KA DAAWO