Monday, July 7, 2025

Liyuu Boolis oo Afduub iyo Dhac Gaadiid ka geystay degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan .

Waarka laga helayo Gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia ayaa sheegaya in Ciidamada Liyuu Booliska Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay afduub iyo dhac ka geysteen tuulo ka tirsan Gobolka Hiiran.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka kaxeysteen dad rayid ah oo gaaraya lix qof, ayna hore u kaxeysteen gawaari gaareya 5 baabuur, waxayna arrintan ka dhacday degaanka Xudey-Wagle oo 30-KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Beledweyne, sida ay ku warrameen dadka degaankaasi.

Lama oga sababta keentay weerarka ciidamada Liyu Police auy ku soo galeen Soomaaliya, laakiin marar badan ayey ciidamadan ku lug yeesheen dagaallo beeleed iyo weerarro ka dhacay Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON