Wednesday, June 25, 2025

Loolanka Jabuuti & Kenya ee Kursiga Golaha Amniga oo sii xoogeystay [Jabuuti oo eedeyn toos ah u jeedisay Kenya]

Waxaa sii xoogeystay loolanka u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Jabuuti ee Kursiga Golaha Ammaanka Q/Midoobay oo Jabuuti ay sheegtay inay u tartameyso, kadib markii Kenya ay kusoo baxay cod bixin ka dhacday Midowga Afrika.

Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo shir jaraa’id qabtay ayaa si toos ah ugu eedeeyay dowladda Kenya inaan lagu aamini karin kursiga Golaha Amniga xilli uu khilaaf kala dhaxeeyo Soomaaliya oo ay ku dhex jirto muran xuduud oo ay sheegatay, wuxuuna caddeeyay in Jabuuti ay taageero ka heshay dalal fara badan .

Dowladda Jabuuti ayaa sii wada dadaalka ay ugu jirto sidii ay ku hanan lahayd Kursiga Afrika ee golaha amaanka ee Qaramada Midoobay 2021-2022. Wasiirka arimaha dibadda Jabuuti ayaa kulan kula yeeshay magaalada Jabuuti safiirrada dalalka shisheeye u joooga dalkiisa, wuxuuna u sharxay musharraxnimadooda kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka.

“Jabuuti waxay aad ayey ugu saxan tahay dadaalkeeda ah inay hesho kursiga Golaha ammaanka. Waxaan u baahanahay taageraada dalalkiina ee ku saabsan musharraxnimadeena. Kenya waxay dhibaato khatar ah ku heysaa Soomaaliya, xalaada u dhexeysa labaada dalna cirka ayey isku sii shareeri kartaa hee ay faraha ka bixdo. Waxaan aaminsanahay in Dal sidaas khatar u ah Amniga aanu ilaalin karo=in danaha gobolka, Qaarada iyo nabada guud, haddii u khilaafka si fogaadana waxa uu saamayn karaa labada dal iyo gobolkaba”. ayuu yiri Wasiirka Arrimaha dibadda Jabuuti.

Jabuuti ayaa taageero ka heshay ururka jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana ay sii xoojiyey ololaheeda ku saabsan inay Afrika u metesho Golaha Amniga.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON