Friday, April 19, 2024

Maalinta koowaad ee Ciidul-Adxaa: Jawiga Xajka ee Sanadkan iyo Magaalooyinka Dalkeena

Waxaa maanta dunida islaamka si looga ciidayaa maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa, iyadoo xajka sanadkan 1441 H ay gudanayaan dadki ugu yaraa muddooyinkan dambe oo gaaraya 10-kun qof oo ku nool Sacuudiga, taasoo ay ugu wacan tahay xaaladda ka dhalatay cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Maalinta 10-aad ee Bisha Dulxaj oo ah maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa waxay xujeyda ka firxanayaan Muzdalifa iyadoo tegaya MINA, halkaasoo ay ku tuuran doonaan Dhagxaanta Caqabada weyn, iyagoo gowrci doona xoolaha ay wadaan, kadibna waxay xiiran doonaan ama gaabsan doonaan timaha inta aysan u jiheysan magaalada Maka, halkaasoo ay ku sameyn doonaan dawaafka loo yaqaan Ifaada iyo socodkii. Saddexda maalmood ee xigta waxay xujeydu ku sugnaan doonaan MINA iyadoo tuuran doona dhagxaanta saddexda ah.

Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa xalay shaacisay inaan xujeyda midkoodna laga helin cudurka Corona, iyagoo baaritaan joogto ah lagu wado, ayna si wanaagsan ku socdaan howlihii xajka sanadkan ee sida aadka ah loo yareeyay dadka ka qeyb galaya.

Ad

Magaalada Muqdisho ayaa si weyn looga ciiday maanta iyadoo jawi roob ah lagu tukaday salaadii Ciida, halka magaalooyinka kale ee dalka sidoo kale looga dabaal degay maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa.

Magaalada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose ayaa xaalad fatahaad ay ku dhex jirta iyadoo ciida sanadkan ay saameyn ku yeelatay, sidoo kale magaalada Jowhar oo fatahaad qarka u saaran ayaa laga ciiday maalinta koowaad.

Magaalada Gaalkacyo: Madaxweynaha Puntland Siciid C/lalahi Deni ayaa salaadda Ciidul Adxaa Dadweynaha kula tukaday Masaajidka Xaaji Cali Biixi ee magaalada Gaalkacyo.

- Advertisement -

Magaalada Hargeysa: Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Salaadda Ciidal Adxaha kula tukaday Masjid Jaamaca Weyn ee magaalada Hargeysa qaar ka mida dadka magaaladaasi.

Magaalada Kismaayo: Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa masuuliyiin iyo qaar ka mida shacabka magaalada Kismaayo salaadda ciida kula tukaday xarunta madaxtooyada Jubbaland ee magaalada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON