Friday, July 4, 2025

Madaxweyne Farmajo ma magacaabi karaa 5 xubin oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka? (Akhriso)

Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii heysa ayaa ansixisay magacaabidda 5 xubnood oo ka mida Golaha Adeegga Garsoorka, kaasoo ka mid ahaa Guddiyo iyo heshiisyo la dedejiyay xilligan.

Waxaa la is-weydiinayaa sharci ahaanta magacaabidda xubnaha Golaha Adeegga Garsoorka oo ah Hay’adda ugu sareysa Cadaaladda dalka in muddo ahna lagu guuldarreystay in la dhiso, iyadoo aanay jirin Maxkamadda Dastuuriga oo qeyb ka ah Golahani.

Dastuurka KMG ah ayaa Madaxweynaha siinaya inuu soo magacaabo 3 xubnood oo xushmad sare ku leh bulshada rayidka marka ay soo jeediyaan Golaha Wasiirada, halka ay laba xubnood iska dhex magacaabayaan Garyaqaannada Soomaaliyeed, waxaa kaloo Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ka mida: Garsooraha Maxkamadda Dastuuriga (oo hadda aan jirin), Garsooraha Maxkamadda Sare iyo Garyaqaanka Guud.

Waxaa muuqata in Madaxweyne Farmaajo uu magacaabay 5 xubnood oo kaliya uu sharci u ahaa 3 ka mida, waxaana haddana laga ansxiiyey Gole Wasiiro aan rasmi ahayn oo xilka sii haya, taasoo xaaladda ka dhigtay qorshe sharciga baal marsan oo weliba xilli kala guur ah kusooo beegmay.

HOOS KA AKHRISO QAAB DHISMEEDKA GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA EE DASTUURKA KMG AH

This image has an empty alt attribute; its file name is Golaha-Adeegga-Garsoorka-Dastuurka.jpg

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON