Sunday, July 13, 2025

Maamul Goboleed loo dhisayo G/Banaadir oo looga hadlayo Shirweynaha Beesha Mudullood

Shirweynaha Beelaha Mudullood ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in looga hadlayo maamul uu yeesho Gobolka Banaadir.

Shirka oo ay ka qeyb galayaan dhinacyada siyaasiyiinta, Odayaasha iyo qeybaha bulshada Beeshaasi oo degta Muqdisho iyo Gobollada ku dhow ayaa ajendayaasha hor yaalla waxay ka kooban yihiin lix qodob, waxaana ka mida: Dhismaha Maamul Goboleedka Banadir State.

Sida uu furitaankii shirka ee maanta ka sheegay Prof. Doob oo ka mida Guddiga shirka qabanqaabiyey waxay beeshu ka doodeysaa sidii G/banaadir loogu sameyn lahaa maamul Goboleed, iyadoo kala tashan doonta beelaha kale ee Gobolka la dega.

Shirka ayaa socon doona muddo saddex maalmood ah, waxaana maanta ka hadlay siyaasiyiin ay mid yihiin Cali Mahdi Maxamed, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Cali Maxamed Geedi iyo xubno kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON