Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Nin hubeysna uu halkaasi uu ku dilay Ganacsade caan ah oo maamula mid ka mida shirkadaha xawaaladaha.
Falka dilka ayaa ka dhacay Xaafada Calanleey ee Magaalada Kismaayo, Waxaana toogasho lagu dilay Maamulihii Shirkadda Xawaalada Amal ee Magaalada Kismaayo Cabdullaahi Cabdisalaan Shigshigow.
Ninka dilka geystay ayaa ku hubeysnaa qori AK 47, wuxuuna dhowr jeer ka toogtay Ganacsadaha madaxa iyo xabadka xilli uu ku socday Masjid ku yaalla bartamaha magaalada Kismaayo, iyadoo isla goobta ku geeriyooday.
Warrakii ugu danbeyay ayaa sheegay in ciidamada Amniga magaalad Kismaayo aya baaritaan wadaan si loo qabto ninkii falkan dilka ah geystay.
