Monday, July 14, 2025

Maamulihii Somali-German Hospital oo ku geeriyooday weerarkii Banadir Beach Restaurant

Allaha u naxariistee waxaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii Baarka Banadir Beacha ka mid noqday Maamulihii Isbitaalka Somali-Germany ee magaalada Muqdisho Dr. Ibraahim Cali Xasan.

Sida ay xaqiijiyeen ehelkiisa wuxuu Dr. Ibrahim ku sugnaa baarka xiligii weerarka ka dhacay, isagoo saaxiib la ahaa milkiilaha Baarka. Meydka Dr. Ibraahim Cali Xasan ayaa saaka waaberigii laga helay gudaha Banadir Beach Restaurant.

Wararka ayaa sheegaya inuu dhowaan Muqdisho ka hirgaliyay xarunta Caafimaadka Somali-Germany Hospital oo ka furan degmada Boondheere. Sidoo kale wuxuu hore marxuum Dr. Ibraahim Cali Xasan howlo caafimaad ka waday dalka Jarmalka oo xarunta Danyar Daryeel Service oo maamule ka ahaa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON