Kooxda Ahlu suna ee Gobolla Dhexe ee Soomaaliya ayaa magaalada Dhuusamareeb ku caleemo saaray Baarlamaankii ugu horeeyay ee maamulkaasi yeesho.
Baarlamaanka oo laga soo ururiyay Gobollada Galgaduud, Mudug iyo Hiiraan waxaa galabta la isugu keenay magaalada Dhuusamareeb, waxayna ka kooban yihiin 65 Xubnood.
Baarlamaanka Ahlu suna oo galabta ilaa caawa ku shirsanaa magaalada Dhuusmareeb ayaa la sheegay inuu Guddoomiye u doortay Saadaq Sheekh Yuusuf Direed oo maanta laga qaaday xilkii madaxweyne ku xigeenka Ahlu suna.
Ma cadda sida loo soo xulay xildhibaanada iyo qaabka lagu keenay waxaana dadka ka mida lagu sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo iyo shaqsiyaad qurbo joog ah.
Ahlu sunada Gobollada Dhexe oo taageero ka hesha Itoobiya ayaa muddo dheer dagaal ugu jirtay inay noqoto maamul iskiis u taagan iyadoo aan weli la aqoonsan.
Goobjooge.com