Maamulka cusub ee Gobolka Banaadir ayaa maalintii ugu horeysay ee xafiiska la wareegeen kormeer iyo hubin ku sameeyay ciidamada ilaaliyaha xarunta Gobolka Banaadir.
Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Maxamed Mohamed ayaa kormeeray irdaha laga soo galo xarunta Dowlada Hoose ee Xamar iyo ciidamda ilaaliya xarunta ee Boliiska Soomaaliyeed.
Wuxuu warbixin ka dhageystay Taliyaha Xarunta Dowlada Hoose Xamar Axmed Baashane, waxayna wararku sheegayaan in isbedel lagu sameyn doono ciidamada ilaaliya xarunta Gobolka kadib markii maamul cusub la wareegeen maamulka Gobolka Banadir.