Friday, June 27, 2025

Maamulka Degmo ka tirsan Gobolka SH/Hoose oo Haweenka ka mamnuucay inay xirtaan Indha-shareerta

Maamulka Degmada Baraawe ee Gobolka Sh/hoose ayaa haweenka ku nool degmadaasi ka mamnuucay inay xirtaan Indha-shareerta.

Guddoomiyaha degmada Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose Aadan Cumar Madoobe ayaa la sheegay inuu amarkan kasoo baxay isagoo ku dooday inuu dhinaca ammaanka u sameeyay arrinta, isagoo sheegay in balaayo kasta ay qaadan karto oo la arkay rag isticmaalaya indha-shareerta.

Guddoomiyaha degmada ayaa sidoo kale sheegay in dumarka looga baahan yahay inay xirtaan Jalbaab iyo dharka kale ee adag. hadii kale ay ciqaab mudan doonaan, sidoo kalena Baraawe wuxuu laga mamnuucay Ciyaar  lagu magacaayo Jaam oo aroosyada ay ka ciyaaraan gabdhaha iyo wiilasha.

Amarka ayaa ku kooban maamulka degmo iyadoo aanu ka jirin degmooyinka kale oo Gobolka Sh/hoose iyo maamulka K/Galbeed ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON