Tuesday, June 24, 2025

Maamulka G/Banaadir ayaa shaaciyey Bannaanbax looga horjeedo Alshabaab oo ka dhacaya Magaalada Muqdisho

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa shaaciyey in bannaanbax looga horjeedo Alshabaab uu ka dhici doono magaalada Muqdisho, iyadoo shacabka loogu yeeray inay kasoo qeyb galaan.

Bannaanbaxa ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u weyn oo ka dhici doona magaalada Muqdisho, iyadoo lagu muujinayo midnimada dadka Muqdisho iyo inay meel uga soo wada jeesto falalka gurcan oo ay Argagixisada ku xasuuqayaan shacabka Soomaaliyeed, loona midoobo sidii loo ciribtiri lahaa.

Arrintan ayaa ka danbeysay qaraxii weynaa ee Sabtidii 28-ka Disembar ka dhacay Ex. Kontrol Afgooye, kaasoo Alshabaab ay qirteen inay ka danbeeyeen, waxaana ku dhibtay dadkii ugu badnaa ee goob qura lagu dilo kadib qaraxii Soobe ee Oktoobar 2017.

Bannaanbaxyadii looga horjeeda Alshabaab kadib qaraxii Soobe ayaa ahaa kuwo aanay cidna soo abaabulin oo dadku iskood isu soo baxeen, gaar ahaan dhalinyarrada oo madaxa ku xirtay maro cas, laakiin xilligan ayaa waxaa muuqata in maamulka G/Banaadir uu abaabulayo bannaanbaxyada looga horjeedo Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON