Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amar yaab leh kusoo rogay Gaadiidka Dadweynaha ee caasimadda Muqdisho oo isugu jira Mooto Bajaajta, Basaska BL-ka iyo Mootooyinka Fekon-ka.
Afhayeenka Gobolka Banaadir oo akhriyay wareegtada maamulka Gobolkla ayaa sheegay in Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha laga mamnuucay inay qaadaan Askar ama qof hubeysan, iyadoo tallaabo laga qaadi doono haddii ay qaadaan.
Dhinaca kale Gaadiidka ay watan ciidamada, mas’uuliyiinta iyo shaqsiyaadka ee raaxada ayaa lagu amray inay lagu baaro Baraha Koontarool ee magaalada, isla markaan aysan dhaafi karin Goobaha ciidamada Amniga ku sugan yihiin.
Gaadiidka dadweynaha sida Bajaajta ay askarta dowladda xoog ku raacaan ina badan, lamana oga sida qof shacab ah loogu amri karo inuusan qaadin qof awood u adeegsnaaya, halkaa amarka laga siin lahaa ciidamada dowladda.