Friday, June 27, 2025

Maamulka G/Banaadir oo howlgal burburin ah ka fuliyay Jidka Maka Almukarama, xilli laga filayey…

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa howlgal lagu burburinayo dhismaayinka laga dhistay hareeraha Wadooyinka ka sameeyay Jidka Maka Almukarama ee magaalada Muqdisho.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidamada Booliska G/Banaadir, degmooyinka Hodon, Waaberi iyo ciidamada ilaalada degaanka ayaa waxaa hoggaamineyay agaasimaha Waaxda Nadaafadda ee Gobolka Banaadir, waxaana lagu burburiyey dhismooyin badan oo goobo ganacsi ay lahaayeen, boorar dibadda u soo baxsan iyo xitaa jaranjarooyin.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in toddobaad ka hor digniin la siiyey dadka ganacsatada ah, haddana ay bilaabatay fulinta go’aanka, waxaan howlgalkaasi caawa loo xiray Wadadda mashquulka ah ee Maka Almukarama.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo Maamulka Gobolka Banaadir laga filayey inay wax ka qabtaan nadaafad darrada caasimada iyo wadooyinka ay biyuhu xireen oo keenay inay inuu adkaado isu socodka magaalada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON