Wednesday, July 2, 2025

Maamulka G/Banaadir oo yeeshay Ku-sime & Amarro is daba socda oo kasoo baxay [Akhriso]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa yeeshay Ku-sime sii wada xilka, kasoo ah ku xigeenka Guddoomiyaha Gobolka maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad-alle oo soo saaray laba amar oo is daba jooga,

Ku simaha Duqa Magaalada Muqdisho ahna ku xigeenka duqa dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Ibraahim Cumar Mahad Alle ayaa markii hore bixiyey fasax saddex maalmood ah oo loogu baroordiiqayo madaxdii ka geeriyootay maamulka Gobolka banaadir, looguna duceynayo dadkii dhaawaca ahaa, balse wax yar kadib wuxuu qoraal amar ah ku magacaabay Guddi qaabilsan maareynta yo la-tacaalidda xaaladaha degdegga ah.

Wuxuu kaloo ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka shaaciyay in shaqadii Gobolka ay dib u bilaabaneyso, lana dardar gelinayo adeegii ay dowladda Hoose u heysay shacabka, sida uu shaaciyay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar.

Dhinaca kale xogta laga helayo maamulka G/banaadir ayaa sheegaya in la isku heysto xilka kusimenimada guddoomiyaha G/banaadir, iyadoo ku-xigeenka dhinaca amniga Maxamed Tuulah uu ku doodayo inuu isagu yahay ku-simaha sharciga ah ee maamulka G/banaadir, arrintan oo soo taagneyd tan iyo intii la magacaabay maamulka cusub Janaayo 2018.

HOOS KA AKHRISO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON