Saturday, June 28, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo iska dhega tiray dalabkii Madaxweyne Farmaajo & Bannaanbax socda

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhaqaaqay qabashada bannaanbax lagu taageerayo madaxweynaha cusub ee Soomaaliya xilli Madaxweynaha uu dalbaday in dadwyenaha ay guryahooda iyo shaqooyinkooda ku laabtaan oo ay damaashaadkii uu dhammaaday.

Bannaanbaxa uu soo qabanqaabiyay maamulka Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa hadda ka socda Taaladda Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo badan ay ilaalo ka yihiin, isla markaana wadooyinka loo xiray.

Lama oga ujeedada maamulka Gobolka Banaadir ka leeyahay bannaanbaxan iyadoo dadweynaha Muqdisho oo aanay cidna soo abaabulin ay dibadbaxyo sameeyeen laba maalmood oo isku xiga.

Banaanbaxyada maamulka Gobolka Banaadir iyo degmooyinka ayaa ah kuwo dad diyaarsan oo ku xiran degmooyinka soo qabanqaabiyaan oo basas lagu soo qaado dadka ka qeyb galaya, waxaana ku baxa kharashka lagu daabulo dadka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON