Maamulka Gobolka Banadir ayaa ka hadlay Gaari iyo dad waday Hilib qurmay oo aan al; isticmaali karin oo Ciidamada Booliska ee Degmada C/casiis ay qabteen xalay.
Hilibkan oo warar kala duwan laga faafiyey, lana sheegay in jir bani’aadam ka mid yahay ayaa waxaa qabtayn ciidamada Kontaroolka saldhiga Barri ee degmada C/casiis, waxaana maamulka Gobolka Banaadir uu sheegay in dadkii lagu qabtay ku xeranyihiin saldhiga degmada C/casiis ee Gobalka Banaadir.
Hilibka qurmay ee gacanta lagu dhigay ayaa la sheegay inuu ahaaa Hilib isugu jiray Hilib Lo’ Ari iyo Hilib Digaag, wuxuuna afhayeenka G/banadir beeniyay wararka been abuurka ahaa ee la faafiyey, waxaana dadka loo hayo kiiskan la sheegay in Maxkamad lasoo taagi doono.