Tuesday, July 15, 2025

Maamulka Hirshabeelle oo la wareegay Qaadkii imaan jiray Muqdsho & tallaabo la sugayo

Maamulka Hirshabeelle ayaa la wareegay maalintii labaad Qaadkii kasoo degi jiray garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.Ganacsatada Qaadka intooda badan ayaa qaatay go’aan ay diyaaraha Qaadka uu wareejiyeen garoonka magaalada Jowhar oo shalay iyo maanta uu kasoo degay Qaadkii imaan jiray Muqdisho.

Gaadiid badan oo ka baxay Muqdisho ayaa Qaadka kasoo qaada magaalada Jowhar, waxayna wararku sheegayaan in canshuur jaban uu maamulka Hirshabeelle ka qaado ganacsatada Qaadka.

Dowladda Soomaaliya oo dhaqaale fiican ka heli jirtay Qaadka yimaada Muqdisho ayaa hadda ka fekereysa tallaabadii ay ka qaadi lahayd ganacstada Qaadka oo diidan canshuur dheeraad ah oo ay ku soo rogtay wasaaradda maaliyadda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON