Tuesday, July 1, 2025

Maamulka Hirshabeelle oo shaqadii ka joojiyey 12 Shirkad oo Qandaraas kula jiray (Akhriso magacyada)

Wasiirka ayaa ugu hanjabay inay weyn doonaan lacagigii uga harsanaa Qandaraasyadooda haddii aysan u hoggaansamin amarkiisa.

Wasiirka Maaliyadda Hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayaa shaqo joojin ku sameeyay 12 shirkadood oo uu shegay inay iska dhega tireen dalabyo uu hore ugu diray.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu faray inay yimaadaan ama lasoo xiriiraan Wasaarada Maaliyadda Hirshabeelle, iyagoo joojinaya wixii shaqo ah ay ka wadeen Hirshabelle.

“Waxaan isku daynay in aan si kasta idinkula xiriirno, balse maqalkeeno tixgelin mahelin. Sidaa daraadeed waxaan ka fursan weynay in aan digniintaan idiin soo dirno. Ciddi u hoggaansami weydo digniintaan waxey la kulmeysaa: inayan heli doonin lacagihii u harsanaa ee ay qandaraaska ku qaateen iyo Tartankii Labaad ee dhawaan soo bixi laga reebayo” ayuu wareegtadiisa ku yiri Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle.

Shirkadaha ayaa kala ah:

1- Sawaasiya General Service Company

2- Istahil Construction & Logistics Company

3- Himilo General Trading & Construction Company

4- Brothers Business Company

5- Towfik Logistics & General Services Company

6- Central Transportation & Logistic Company

7- Eagle construction company

8- Gobanle construction & General Service Company

9- Kobac Construction Company

10- Indian Ocean Services Supply and Construction

11- Civil Engineering & Consultancy Company

12- Blue Flag Logistics Limited

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON