Xirmooyinka kala ah: L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maray dhinaca Soomaaliya
Xog dheeraad ah oo cuusb ayaa laga helay Xuduudka Badda Kenya iyo Soomaaloiya ee ay dhowaan xukuntay Maxkamadda Caalmiga ah ee Cadaaladda ICJ.
Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ayaa ku go’aankeedu keenay in intooda badan xirmooyinka lagu tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale u gacan galaan Soomaaliya.
Khabiir arrimaha badda ah ee darsay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.
Khabiirkaasi waxa uu xaqiijiyey in xirmada ay khubarada baddu aamisan yihiin inay ugu khayaaradka badan tahay ay martay dhinaca Soomaaliya. Xirmooyinka kala ah: L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maray dhinaca Soomaaliya, sida uu khabiirkaasi caddeeyay.
Wuxuu kaloo sheegay in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.
Dawladda Kenya waxay sheegtay inaysan marnaba aqbalayn go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee ICJ. War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa lagu sheegay oo kale in Kenya ay doonayso in qaab nabadeed iyo wadaxaajood lagu xalliyo arrinta iyadoo la marayo Midowga Afrika.
