Maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday duqa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, kadib khilaaf keenay inuu shaqada ka joojiyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.
Qoraal kasoo baxay Wasiirka Arimaha Gudaha Hirshabeelle ayaa Caawa xilkii looga qaaday Duqii Degmada Baladweyne Cali C/qaadir Faarax, waxaana duqa cusub ee magaalada Beledweyne loogu magacaabay Khadar Xasan Afrax.
Arrintan ayaa ka dambeysay xiisad ka dhalatay shaqo joojin lagu sameeyay duqa xilka laga qaaday oo guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed ku eedeeyay lunsasho hanti dadweyne.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA