Maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyaha degmada Warsheekh ee Gobolka Sh/Dhexe, iyadoo loo magacaabay Guddoomiye cusub.
Wareegto uu soo saaray Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada maamulka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii Degmada Warsheekh Axmed Xuseen Axmed (Shiidka), iyadoo xilkaasi loo magacaabay Cumar Maxamed Cumar.
Arrintan ayaa qeyb ka ah xil ka qaadis ay madaxda Hirshabeelle ku sameynayeen madaxda Gobollada iyo degmooyinka maamulkooda, iyadoo dhowaan guddoomiye cusub loo magacaabay Gobolka Hiiraan.
AKHRISO WAREEGTADA