Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inay ka baxeen Qorshihii Horumarinta Qaranka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Qorshaha oo ay dejisay Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa ka careysiiyay maamulka Jubba, waxayna warqad qoraal ah u direen xukuumadda Soomaaliya.
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Maxamud Sayid Aadan ayaa sheegay in Bishii la soo dhaafay Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Madoobe uu warqad u qoray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ay ku caddeeyeen inaysan ka mid ahayn qorshahaasi.
Max’uud Sayid Aadan ayaa sheegay inay arrintan keenay arrimo dhowr ah oo ay ugu weyn tahay in dadka ku nool Jubaland tiradooda laga dhigay 1,300, 0000 qof iyo jajab.
Diidmada Qorshahan oo lagu saleynayo howlaha deeqaha iyo mucaawinooyinka Soomaaliya la siiyo ayay Jubbaland kusoo beegtay xilli kala guur ah oo Doorashooyinkii madaxtinimada ay dhacayaan.
Goobjooge.com