Maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe ayaa dowladda Federaalka ku eedeeyay inay ka danbeysay shaqaaqadii shalay ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ee ay isku rasaaseeyeen ciidamo taageersan musharaxa C/naasir Seeraar iyo ciidamada maamulkaasi.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay dhacdadii Garoonka Kismaayo ka dhacday, ayna ka shaqeyneyso khalkhal gelinta amniga Jubbaland, waxayna arrintan timid kadib markii madaxweyne Axmed Madoobe oo ka qeyb galaya shirka Garowe uu madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu mas’uul ka yahay musharixiinta laga dirayo magaalada Muqdisho ee la doonayo in lagu afgembiyo maamulkiisa.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA
