Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Jubbaland oo Qaadacay Shirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya qabanqaabisay

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay inuu qaadacay shir ku saabsan arrimaha dastuurka oo dhowaan ka furmi doona magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka maamulka Jubbaland Dr. Aadan Ibraahim Aw-Xersi ayaa shaaciyey inaysan ka qeyb gali doonin shirka looga hadlayo Arrimaha Dastuurka ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Dastuurka xukuumadda Soomaaliya, kana furmi doona Magaalada Muqdisho toddobaadka soo socda.

Lama caddeyn sababta Maamulka Axmed Madoobe u qaadacay shirkaasi, iyadoo uu sii xumaanayo xiriirka maamullada Jubbaland iyo Puntland oo dhinac ah iyo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasoo ka dhashay khilaafka arrimaha Khaliijka iyo doorka Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh ayaa shaaciyey shirweynaha Dastuurka Muqdisho ka dhacaya toddobaadka soo socda, iyadoona lagu casuumay Wasaaradaha Dastuurka Dowlad Goboleedyada, khubaro iyo marti sharaf kale.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON