Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay in dadkii ugu horeeyay laga helay cudurka Coronavirus, kadib markii loo karaantiilay shaki laga qabay inay sidaan cudurka.
Gudoomiyaha Guddiga ka hor tagga Coronavirus ee maamulka Jubbaland wasiir Maxamad Warsame Darwiish ayaa sheegay in 2 qof oo ku sugan magaalada Kismaayo laga helay xanuunka COVID-19.
Labada qof ee cudurka laga helay ayaa ku jira goob lagu karantiilay ooa ka mida Isbitaalka magaalada Kismaayo halkaasina lagula tacaalayo xaaladooda .
Dadkan ayaa noqonaaya kuwii ugu horreeyay ee la xaqiijiyay in ay qabaan xanuunka COVID-19 magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.
Lama oga halka lagu baaray dadkan, iyadoo wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya aysan shaacin kiisaskan.