Ciidamadii ugu horeeyay oo ah kuwa si gaara u tababarran ayuu yeeshay maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo maanta tababar loogu xiray saldhigga ciidmada ee Ballidoogle, Gobolka Sh/Hoose.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa soo xirey tababarkan, waxaana kusoo baxay cutubo ka tirsan Ciidamada gaarka ah ee Goboleedka Koonfur Galbeed oo ay tababarka siiyeen saraakiil Mareykan iyo ciidamada Danab ee Soomaaliya ka kala tirsan.
C/Casiis Laftagareen ayaa u sheegay ciidamadan inay ka howlgeli doonaan degmada Walanweyn iyo degaannada hoostaga, isla markaana xilligaan wixii ka dambeeya ay saaran tahay mas’uuliyad weyn.
“Waxaa maanta Balidoogle ka dhacay xaflad ay ku qalin jabinayeen ciidamada gaarka ah ee Dowkadda K/Galbeed. Si heer sare ah ayaa loo tababaray, waxayna diyaar u yihiin inay la dagaalamaan caddowga” ayuu yiri Madaxweynaha K/Galbeed.
Ingiriiska ayaa hore tababarka u siin jiray ciidamada K/Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee fadhigoodu yahay Gobollada Bay iyo Bakool.
