Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saaray amar lagu xirayo xubnaha ka tirsan urur diimeedka cusub ee la baxay As-saaciduun Bilxaq.
Shir ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa la faray laamaha ammaanka inay soo xiraan shakhsiyaadka iyo xarumaha taageeray ururkaasi.
Maamulka Gobolka Nugaal, maxkamadda ciidamada qalabka sida, taliska ciidamada la dagaalanka argagixisada iyo taliyayaasha qaybaha ee gobolka nugaal ayaa kulankankaasi ka qeyb galay, iyagoo sheegay inay fulinayaan amarkan.
Dhammaan xubnaha is shaaciyay ee ururka As-saaciduun Bilxaq ee ku sugan degaanada Puntland ayaa dhuumasho ku jira, waxaana ku raad jooga ciidamada ammaanka.
Goobjooge.com